(Hortabin Media) – Barlamanka Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqay tallaabo aan looga baran Barlamanadii dalka soo maray, wuxuuna iminka si joogta ah ula xisaabtamaa gollaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.
Isla xisaabtankan oo ah mid toos looga baahiyo xarumaha warbaahinta, ayaa wasiirrada lagu weydiiyaa su’aallo dhowr ah oo la xiriira howshii ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.
Barlamanadii dalka soo maray ayaa horey caan ugu ahaa muran, buuq iyo mooshino joogto ah, oo u jeedkoodu yahay in ay dhaqaalle ka sameeyaan.
Hase ahaatee Barlamanka ayaa rajo badan galiyey shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo iminka awood u leh in ay la socdaan waxyaabaha ka dhex jira xafiisyada dowaldda badankooda.
Dadka Soomaaliyeed kuwooda aqoonta u saaxiibka ah, ayaa ku talinaya in isla xisaabtankan la gaarsiiyo xafiisyada ugu sareeya dalka sida kan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, taas oo meesha ka saareysa tuhunka ay qabaan bulshada.