Thursday, September 11

Isku aadka kooxaha ee horyaalka UEFA Champions League ayaa maanta oo khamiis ah lagu qabtay magaalada Istanbul oo martigelin doonta ciyaarta finalka June 2023.

Horyaalka oo ay usoo baxeen 32 kooxood ayaa marka laga reebo 26 kooxood oo si toos ah ugu soo baxay isreebreebka tooska ah ee kooxaha ah ayaa waxaa weheliya 6 kooxood oo ku soo baxay wareega isreebreebka oo nasiib u yeeshay kadib markii magacyadooda la shaaciyay.

Kooxaha ayaa loo qeybiyay 8 group kooxood waxaana ugu adag group-ka “C” oo noqonaya group-ka dhimashada waxaana ku wada jira saddex kooxood oo ka mid ah kooxaha ugu adag kubadda cagta kuwaas oo kala ah: Bayern Munich, Barcelona iyo Inter Milan oo ay weheliso kooxda dalka Czech ka dhisan ee Viktoria Plzen.

Geoup-ka kale ee ugu adag ee isna dhimashada ah ayaa ah group-ka “H” kaas oo ay ku wada jiraan kooxaha PSG, Juventus, Benfica iyo Maccabi Haifa.

Shaxda isku-aadka kooxaha 2022/23 (Champions League)

 Pot 1Pot 2Pot 3Pot 4
Group A Ajax AmsterdamLiverpoolNapoliRangers
Group B FC PortoAtletico MadridBayer LeverkusenClub Brugge
Group CBayern MunichBarcelonaInter MilanViktoria Plzen
Group DEintracht FrankfurtTottenhamSporting CPMarseille
Group EAC MilanChelseaRB SalzburgDinamo Zagreb
Group FReal MadridRB LeipzigShakhtar DonetskCeltic
Group GManchester CitySevillaB. DortmundFC Copenhagen
Group HPSGJuventusBenficaMaccabi Haifa
Exit mobile version