Friday, April 24

Ismaaciil Qaani, oo ah Taliyaha Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ee Quds Force, ayaa noqday sarkaalkii ugu dambeeyay ee Iran ah ee ka hadla “midnimada” Iran ka dib markii “dagaal” uu sheegay madaxweynaha Mareykanka Trump ku soo qaaday.

Fariin uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Qaani ku sheegay in “Laf-dhabarta” dagaalyahannada Iiraan ay tahay “midnimada iyo sida ay iskugu xiran yihiin mas’uuliyiinta”.

“Innagoo kaashaneyna midnimada qaran iyo dowladnimada, iyo in si buuxda loogu hoggaansamo hoggaamiyaha ugu sarreeya, waxaa ka yeeli doonnaa mid uu ka inuu ka shalleeyo, dambiilaha” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuusan wax cadaadis ah ku heyn joojinta colaadda, wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu heshiiska ugu wanaagsan la galo Iiraan, qorshahana uusan ugu jirin inu Iiraan u isticmaali hubka Nukliyeerka. “Mareykanka goor hore ayuu si caadi ah u gaaray ujeeddooyinkiisa militari”.

Waxa uu ku daray: “maxaan u isticmaaa si buuxda oo caadi ah ayaan u baabi’iyey, isaga la’aantiis”

“Hubka nukliyeerka waa inaan marnaba loo oggolaan inuu qof isticmaalo.”

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Maraykanku uu gacanta ku hayo marin biyoodka Hormuz, marka Iran ay heshiiska ogolaato marinka muhiimka ah ee maraakiibta uu furmi doono, isaga oo intaa ku daray in aanu doonayn in Iran ay boqollaal milyan oo dollar ka hesho saliidda ay iibiso inta lagu jiro xabbad joojinta.

Exit mobile version