Saturday, March 14

Iiraan, gaar ahaan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga (IRGC), ayaa sheegay inay gantaallo ku garaaceen Israa’iil iyaga oo si wadajir ah u fulinaya weerarkaas, isla markaana wada shaqaynayaan kooxda Xisbullah, sida ay soo sheegtay wakaaladda wararka ee Tasnim oo xidhiidh la leh dowladda Iiraan.

Qaybaha ciidamada Iiraan ee IRGC – oo ay ku jiraan cutubka badda iyo unugga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) – ayaa la sheegay inay ka qayb qaateen weerarka, iyadoo Xisbullah oo ay xulafo yihiin sidoo kale ku jirtay hawlgalkan.

Digniino duqeyn ah ayaa laga maqlay Tel Aviv, bartamaha Israa’iil iyo qaybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la qabsaday.

Ciidamada gurmadka degdega ah ayaa la tacaalaya dab ka kacay duleedka magaalada Tel Aviv, kadib markii ciidammada ilaalada kacaanka Iran ee IRGC ay weerar gantaallo ah ay ku qaadeen Israa’iil.

Exit mobile version