Thursday, March 26

Iran ayaa iska diidday qorshaha nabadda ee Mareykanka oo ay ku tilmaantay ‘mid xad dhaaf ah’ waxayna soo saartay shan shuruudood oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiran, Cabaas Araghchi, oo wareysi laga sii daayay telefishinka qaranka Iiran ay sheegay in ay jiraan “maalmihii lasoo dhaafay” in Maraykanka ay farriimo usoo direen, iyaga soo marinayey dhex dhexaadiyeyaal kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in maadaama fariimahaas ay wadeen “wadamo saaxiib ah”, isla markaana Iiran ay uga jawaabtay, iyadoo caddeyneysa “mowqifkeeda iyo digniina ay u dirtay”, arrintaas “aysan ahayn wada-hadal ama gorgortan, ama wax la mid ah toona”.

Araghchi ayaa sidoo kale sheegay in siyaasadda Iiran ay hadda tahay inay sii wado “difaaca nafteeda”, isla markaana aysan “doonayn wax wada-xaajood ah waqtigan”.

Wuxuu intaas ku daray in “tani ay tahay dagaal ay Israa’iil wado, isla markaana dadka gobolka iyo dadka Maraykanka ay la kulmayaan waxa ka dhasha”.

Exit mobile version