Khamiistii shalay ahayd ayaa qabuuraha Muslimiinta All Muslim Association of America (AMAA Cemetery) ee gobolka Virginia, waxaa lagu aasay Injineer Xassan Maxamuud Maxamed (Inj. Xasanow), kaas oo geeriyooday 12-kii bishan Luuliyo.
injineer Xasanow ayaa ahaa siyaasi, ganacsade, bare jaamacadeed iyo sidoo kale sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, wuxuuna qeyb ka ahaa injineerradii ugu caansanaa dalka Soomaaliya.
Aaskiiskiisa waxaa ka soo qeyb galay inta badan Soomaalida gobolka Virginia, wuxuuna marxuumku ku geeriyooday da’da 79 sano jir.
Taariikhdiisa oo kooban
Injineer Xasan Maxamuud waxa uu nolosha ku billaabay agoonimo, waxa uuna ku dadaalay waxbarashada isaga oo gaaray darajooyin kala duwan oo ay yar tahay Soomaali wada gaartay.
Injineer Xasanow Waxa uu ciidanka booliiska Soomaaliyeed ku biiray Sanadkii 1964-kii, isagoo ka gaaray darajda Gaashaanle Sare, wuxuu sidoo kale soo noqday macallimiintii fara ku tiriska ahayd ee injineeriyadda ka dhigi jiray jaamacaddii Umadda, waana macallin soo saaray jiil badan oo injineerro Soomaaliyeed ah, kuwaa oo qeyb ka noqday dhismaha dalka oo ay qaarkood d xilal sar sare dalka ka qabteen.
Sida la ogyahay wuxuu ahaa oo kale ganacsade ka shaqeeya dhinaca dhismaha, waxaana uu fuliyay dhismayaal badan oo uu ka mid yahay xarunta ciidanka Asluubta.
Markii ay dhacday dowladdii militariga, Injineer Xasanow waxa uu qeyb ka ahaa aqqoonyahankii u istaagay in dalka laga badbaadiyo colaad sokeeye, waxaana uu dowr ku lahaa dhismihii dowladdii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, isaga oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska.
Intaas iyo in ka badan oo ay ka marqaati kacayaan saaxiibadiisa faraha badan ee dunida ku firirsan iyo ardaydiisiiba waa tusaale nool oo baraya qof walba oo dadaalaa in uu gaarayo, marka uu Allihiisa tala saarto.
Bahda Hortabin Media waxey u tacsiyeeynayaan Dhamaan Caruurtiisa, qoyskiisa, ehelkiisa, iyo Soomaalidii uu ka wada baxay, waxeyna leedahay Sabar iyo Iimaan aan la soo koobi karin Alle ha idinka siiyo, isagana Janatul Fardawza Alle ha ugu bishaareeyo.