Dowladda Ingiriiska ayaa si cad u sheegtay in ay dhaqaalle ku bixineyso dagaalka lagula jiro argagixisada bariga Afrika
Sida uu sheegay wasiirka amniga Ingiriiska Tom Tugendhat, wuxuu ingiriisku heshiis la galay dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana Xukuumadda London ay bixineysaa lacag dhan $12.5 Milyan oo dollar.
Lacagtan ayuu sheegay Wasiirku in loo adeegsanayo ciribtirka argagixisada, oo sanadihii ugu danbeeyey saameyn culus ku lahayd bariga Afirka.
Wasiirku wuxuu shaaca ka qaaday, in argagixisadu ay ku xooggan yihiin xuduuda dalalka Itoobiya iyo Kenya ay la leeyihiin Soomaaliya, taas oo ay ka dhalan karto khatar kale oo amni, oo saameyn ku yeelato guud ahaan gobolka.
Dhaqaalaha uu Ingiriisku bixinayo, ayaa imanaya, xilli la isku diyaarinayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana dagaalkan ka qeyb qaadanaya dowladaha dariska.
