Thursday, September 11

Dalka Indonesia ayaa Soomaaliya ka caawinaya tababar la siiyo ciidamada Booliiska oo mas’uuliyad weyn ka saaran amniga, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Cabdisalaam Cabdi Cali oo la kulmay dhiggiisa.

Wasiir Cabdisalaam oo Warbaahinta la hadlay kaddib markii uu soo idlaaday kulankaas ayaa sheegay in tani ay fursad u tahay dhinaca xoojinta nabadgalyada iyo shaqooyinka ay hayaan ciidamada Booliiska oo u baahan taageero dheeraad ah.

“Wasiirka waxa aan kawada hadalnay tababarka Ciidamada Booliiska, waa fursad aad u weyn marka la eego dhinaca Amniga” Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkiisa jaraa’id kusoo hadal qaaday in dhiggiisa ay kawada hadleen xoojinta Diblumaasiyadda, Arrimaha Sirdoonka, Deeqaha Waxbarashada & Isdhaafsiga Ganacsiga.

“Soomaaliya & Indonesia waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u qoto dheer laga soo billaabo bartamihii lexdan-meeyadii, waxa ay kuwa jiraan Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo meelo kala duwan, Badeecado laga keenno Indonesia ayaa loo iib keenna Dalkeenna” Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Exit mobile version