Friday, September 12

Saacadihii ugu danbeeyey Weerar diyaaradaha Israa’iil ay ku bartilmaameedsadeen dhismo shan dabaq ah oo deegaan ah ku yaal Beit Laxyia, waqooyiga GAZA ayaa lagu soo waramaya in uu geystay khasaare baaxad leh, iyadoo dad badana lagu la’ yahay nolol iyo geeri.

Sida wararku sheegayaan In ka badan 90 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 25 carruur ah, ayaa lagu la’yahay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas, waxaana jira walaac ballaaran oo arrintani laga muujinayo

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Israa’iil ay weerarka ku beegsadeen qof ilaalo ahaa oo saarnaa dusha sare ee dhismaha kaas oo isticmaalayay doorbin, kaas oo u muuqday basaas sida ay sheegeen ciidamada Israa’iil, balse lama xaqiijin karo dhab ahaanshaha arrintaasi.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay hayeen xog ah in dhismaha la bartilmaameedsaday uu hoy u ahaa rayid ka cararay dagaalka Gaza ee dhibaatada ba’an u geystay Falastiiniyiinta.

Milatariga Israa’iil ayaa intaasi ku daray in ay jirto farqi u dhexeeya tirada dhibanayaasha ee ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Xamaas iyo inta ay iyagu ka war qabaan, oo ah tiro kooban sida ay hadalka u dhigeen.

Exit mobile version