Friday, September 12

In ka badan 20 madaxweyne iyo marti sharaf gaareysa 2,500 ayaa kasoo qeyb gali doona xaflada dhaarinta Madaxweynaha la doortay ee William Ruto oo ka dhici doonta garoonka Kasarani maalinta Taladaada, Ogosto 13, 2022.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Karanja Kibicho, oo xubin ka ah guddiga xil wareejinta ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay si xoog leh hadda ugu shaqeyneyso martigelinta iyo daryeelka madaxda caalamka.

Hay’adaha ammaanka ayaa si xoogan ugu howlan sugidda amina iyadoo 10,000 oo askari oo booliis ah oo kor kala shaqeynayaan hay’adaha kale ee ammaanka la geyn doono garoonka Kasarani si ay u “xaqiijiyaan nidaamka iyo badqabka dadka kasoo qeyb galaya.”

Madaxweynaha la doortay ee Ruto ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegaya Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo xilka hayay 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Axmed Dhaqane, Nairobi

Exit mobile version