Saturday, September 13

Arday aad u fara badan ayaa maanta u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyadda sare oo ay dowladdu qaadeyso.

Imtixaanka oo ka dhacaya inta badan Maamullada dalka iyo Caasimada ayaa waxaa u fariistay arday gaareysa 34,000 oo Arday.

Xarumaha lagu galayo imtixaanka waxaa sidoo kale ilaalo ka ah, ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaas oo xaqiijinaya amniga ardayda.

Maamulka Gobolka Banaadir oo imtixaankan masuul ka ah, ayaa ardayda u rajeeyey in ay libin ka keenaan, wuxuuna uga digay in ay ku dhaqaaqaan fal kasta oo saameyn xun ku yeelan kara Imtixaankooda.

Exit mobile version