Thursday, September 11

Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa hoos u dhigay saadaasha kobaca caalamka ah 3.2% sababo la xiriira sare u kaca sicir bararka guud iyo dagaalka Ukraine, waxayna ka digtay in dunidu ay ku sii socoto hoos u dhac dhaqaale oo baaxad leh.

Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo cusboonaysiisay saadaasheeda kobaca caalamiga ah ayaa ka digtay khataraha ku wajahan dhaqaalaha adduunka, kuwaas oo haddii aan wax laga qaban, ku riixi kara adduunka hoos u dhac dhaqaale oo xoogan.

Sare u kaca sicir bararka iyo halista ka dhalan karta duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa ah asbaabaha ugu weyn ee hoos u dhaca dhaqaalaha adduunka.

Bayaan uu soo saaray, madaxa dhaqaalaha ee IMF, Pierre-Olivier Gourinchas, ayuu ku yiri, “waxaa laga yaabaa in dunidu ay dhawaan qarka u saaran tahay hoos u dhac dhaqaale oo caalamiga ah, iyadoo laba sano oo kaliya laga joogo hoos dhicii hore.”

Ahmed Dhaqane, Hortabin Media

Exit mobile version