Thursday, September 11

Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ansixiyay dhaqaale cusub oo lagu maalgelinayo dalalka ay ka jirto cunno yarida ba’an.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku dhawaaqo in Guddiga Sare ee IMF ay maanta ansixiyeen amaah dhaqaale oo degdeg ah oo lagu maalgelinayo dalalka ay cunno yarida ba’an ka jirto.” ayay tiri madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) Kristalina Georgieva.

“Maalgelintan cusub waxay fursad dheeraad ah oo maalgelineed siin doontaa wadamada ay haysato cunto yari ba’an, waxayna sidoo kale abuuri doontaa isku dheelitirnaan la xiriirta xagga lacag bixinta degdeg ah ee loogu talo galay xaaladaha gaarka ah” ayay sii raacisay hadalkeeda.

Maalgelintan cusub ayaa waxay furnaan doontaa hal sano.

Exit mobile version