Madaxweynaha puntland ayaa safar qorsheysay toddobaadkan ku gaaray Imaaraadka Carabta, si uu ugala hadlo marxalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo taageeradii ay kal hore u ballan qaadeen Imaaraadka, ee ku wajahneyd hankiisa siyaasadeed iyo sidii uu mar un uu ku heli lahaa kursiga ugu sareeya dalka.
Deni socdaalkiisa waxa uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan, wuxuuna halkaasi kala soo kulmay waji gabax ballaaran, maaddaama Abu- dubia ay u sheegtay in ay waqtigan dhiseyso Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Deni wuxuu ku dooday inuu isagu kaga mudan yahay Sheekh Shariif, isla markaan uu heysto xulufo badan oo siyaasadeed, sida Jubaland, balse doodiisa wey u liqmi weysay Imaaraadka, waxeyna ku adkeysteen taageerada ay siinayaan Shariif Sheekh Axmed.
Abu-Dubia waxey ku wargalisay Deni, in qorshahan ay u bandhigeen Axmed Madoobe isla markaana uu ku raacay, waxana Deni qudhiisa ay ka dalbadeen inuu xoojiyo taageerada ay siinayaan Shariifka, si ay u mira dhasho gucla oradka Imaraadka ee ku wajahan in ay talada dalka ugu sareysa saaraan qof ay iyagu dhiseen, oo soo celiya saameyntii Imaaraadka ee Gudaha Soomaaliya.
Wixii intaasi ka danbeeyey Deni ayaa dib dalka ugu soo laabtay wuxuuna khadka taleefanka kula hadlay Axmed Madoobe, kaas oo uu kala dooday sababaha uu ula soo wadaagi waayey go’aanka ay wada gaareen isaga iyo Imaaraadka iyo ajiibidiisa qorshahaasi, waxaana wada hadalkooda oo saacado qaatay ay ku kala tageen carro, taas oo mar kale dib usoo celineysa khilaafka labada masuul hareeyey mudooyinkii ugu danbeeyey.
Saciid Deni ayaa wax walba u sameeyey sidii uu Imaaraadka ugu noqon lahaa saaxiib rasmi ah, si uu taageero uga helo doorashada soo socota ee Soomaaliya, wuxuu xitaa raali gelinaya Imraadka ka aamusay xadgudubkii Israa’iil ay ku sameysay madax-bannaanida Soomaaliya,
Waqtigan wuxuu Deni raadinayaa Albaab kale oo uu garaaco, iyo cid kale oo garab u noqoto, maddaama dhaqaalle ahaan keligii uu la baratami karin madaxda Villa Soomaaliya joogta iyo kuwa kale ee ugu cad cad oo dhamaantood leh saaxiibo caalami ah oo garabkooda taagan.
