Tuesday, March 10

Ciidamada ilaalada kacaanka iiraan ayaa shuruud ku xiray wadamada doonaya in ay maraan marin biyoodka muhiimka ah ee Hormoz.

Bayaan ay soo saareen ayay lagu sheegay: “Wadanka Carbeed ama Yurub ee ka erya safiirrada Israel iyo Mareykanka dhulkiisa, wuxuu heli doonaa awood buuxda iyo xorriyad buuxda oo uu ku mari karo Strait of Hormuz.”

Iiraan ayaa horey ugu dhawaaqday in ay xireen marin biyoodka Hormuz ayna beegsanayaan maraakiibta marta.

Arrintan ayaa xaaladda sii adkeyneysa, waxaana xusid mudan in wakhtigan uu cirka galay qiimaha shidaalka, kaas oo culeyskiisa laga dareemayo dalal dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Exit mobile version