Monday, October 27

Iiraan ayaa sheegtay in aysan ku deg degi doonin heshiis “dhakhso ah” oo dib u soo nooleynaya heshiiskii nukliyeerka ee ay wada galeen quwadaha aduunka sanadii 2015 kaas oo markii dambe xumaaday. Wada xaajoodyada ayaa ah kuwo weli la isku mari la’yahay.

“Waxay dalbanayaan in Iran ay go’aan degdeg ah qaadato iyaga oo ku adkeysanaya in waqtigu xadidan yahay, Iranna ay tahay inay si degdeg ah uga jawaabto,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Nasser Kanani oo ka hadlayay heshiiska nukliyeerka ee Iiraan iyo quwadaha reer galbeedka.

Kanani ayaa hadalkiisa kusii datay in jamhuuriyadda islaamiga ahi aysan u huri doonin danaha aasaasiga ah ee dalka hannaan degdeg ah.

Exit mobile version