Roobab mahiigaan ah ayaa la filayaa in ay ka da’aan geeska Afrika inta u dhexeysa bilaha June iyo September, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Xarunta saadaalinta cimilada ee urur goboleedka Igad.
Sida lagu yiri Bayaanka, roobabka oo xadigoodu uu sareeyo, ayaa si xooggan uga di’ doona dalalka Djibouti, Eritrea, badhtamaha iyo woqooyiga Itoobiya, deegaanada xeebta ee Kenya, iyo inta badan Uganda, Suudaan, Koonfurta Suudaan.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in qayb ka mid ah dhulalka waqooyiga Soomaaliya, galbeedka Itoobiya iyo waqooyi-galbeed Koonfurta Suudaan, in ay wajahi doonaan xaalado qaleyl ah, isla markaana uusan ka di’ doonin xadiga roobabka la saadaalinayo.
Xaaladda la saadaalinayo ayaa sida la sheegayo u eg jawiga cimiladii uu wajahay gobolka sanadihii 1998 iyo 2010-kii, waxaana roobabkani ay wataan dabeylo, iyadoo arrintaaasi ay keeni karto in ay fatahaan webiyada gobolka, isla markaana uu ka dhaso khasaare baaxad leh.
Sida lagu xusay Warmurtiyeedka, Ka hor waqtiga la saadaaliyey roobabkan, ayaa la filayaa in ay da’aan roobab ka xadi hooseeya, kuwaas oo ka curan doona qeybo badan oo gobolka ah, sida badhtamaha iyo woqooyiga Itoobiya, Eritrea, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.