Monday, October 27

Dowladda Norway ayaa tababar waxa ay fududeysay tababar si wadajir ah u qaadanayaan shaqaalaha Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya u qaabilsan hubinta Dukumiintiyada si ay u kala gartaan kan saxda ah iyo midka been abuurka ah.

Tababarkaan ayaa ka furmay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya, xubnaha ka socda dhinaca Soomaaliya waxaa la dardaarmay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Axmed Saciid Maxamed.

Kenya waxaa dhinaceeda ka socota Haweeneyda u qaabilsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Evelyn, arrintaan ayay ku tilmaamtay mid muhiim u ah hubinta dukumiintiyada si looga hortago Dadka isticmaalla Dukumiintiyo been abuur ah.

Shaqaalaha Tababarka qaadanaya ayaa laga soo kala xulay Hay’adda Socdaalka, Waaxda Dambi baarista Booliiska ee C.I.D. & Hay’adda qaabilsan diiiwaangelinta Dadweynaha si Dukuumiintiyada saddexda dhinac laga hubiyo.

Safiirka Dowladda Norway ee Kenya Gunnar Andreas ayaa sheegay in Dowladdiisa ay xaqiijineyso yoolka tababarkaan ay usoo agaasintay si Labadaan Dowlad ay uga caawiyaan sidii howlwadeennada ka socda ay u kala garan lahaayeen dukumiintiyada saxda ah & kuwa been abuurka ah.

Exit mobile version