Ciidamada amaanka maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay noocyo kala duwan oo hub ah iyo raggii watay, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay.
Howlgalka lagu soo qabtay hubkan iyo raggii watay ayaa ka dhacay Gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmada Caabudwaaq, halkaas oo maalmihii ugu danbeeyey laga fulinayey howlgallo xooggan.
Sida uu sheegay taliyaha qaybta booliska gobolka Galgaduud, Qalbi Axmed Cali, raggan ayaa watay hub sharci darro ah, waxaana lagu soo qabtay xogo ay ciidamadu heleen.
Taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in baaritaan qoto dheer lagu hayo, howlaha ay raggan gacanta kula jireen, iyo qorshaha ay ka lahaayeen hubkan.
Sida uu xusay Taliyaha raggan ayaa iminka ku jira gacanta ciidamada amaanka Galmudug, waxaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeyn doonaa hay’adaha cadaaladda.