Waxaa maalintii labaad xiran Dekedda Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku xayiran yihiin badeecadihii ugu badnaa ee loo waday suuqyada caasimada dalka, kedib khilaaf soo kala dhex galay shirkado heshiis ganacsi ka heysta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ganacsatada Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa badeecadaha kala soo degga ama ka dhoofiya Dekedda Muqdisho, oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in shaqada dekadda ay ka socon weysay lacag ay ku tilmaameen sharci darro oo la dulsaaray badeecadahooda.
Lacagtan ayay sheegeen in ay ku dhaceyso jeebka shaqsiyaad gaar ah, maadaama canshuurtii xaq loogu lahaa ay siiyaan Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ganacsatada ayaa ku doodaya in ay hoggaansameen canshuur kordhin ay sameysay dowladda Fderaalka kadib heshiis ay la galeen sanadkii la soo dhaafay, balse haatan aysan aqbalin karin lacagtan ay sheegeen in ay tahay mid baalmarsan cashuurtii xaq loogu lahaa.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo xaqiijiyay in dekadda Muqdisho ay u xiran tahay khilaaf ku saleysan hanaan maamul maaliyadeed oo u dhaxeeya Cabdullaahi Cali Adoon oo saami ku leh Shirkadda Tayo-dhowrka iyo Cabdinaasir Cali Adoon oo isna saami ku leh nidaam baaritaan oo la marsiiyo badeecadaha ka baxa dekadda Muqdisho.
Labadan shaqsi oo wada dhashay, islamarkaana heshiis ganacsi ka heysta Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa isku qabtay in la mideeyo dhaqaalaha laga qaado ganacsitada wax kala soo degga dekadda Magaalada Muqdisho.
Cabdullaahi Cali Adoon oo ka mid ah saamileyda Hay’adda Tayo-dhowrka, ayaa doonaya in hal meel ay ku dhacdo lacagta laga qaado ganacsata, halka Cabdinaasir Cali Adoon oo 70% leh saamiga hanaanka lagu baaro ama la marsiiyo badeecaha ka soo degga Muqdisho uu isna diidan yahay in la mideeyo ama hal meel ay ku dhacdo dhaqaalaha laga qaado ganacsatada.
Dhaqaalaha ay isku hayaan labada shaqsi ayaa sida la sheegay ka baxsan canshuurta la siiyo Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Khilaafka u dhaxeeya labadan mas’uul oo weli taagan ayaa keenay in Ganacsadata ay ka codsadaan madaxda Dowladda Federaalka in ay wax ka qabtaan arrintan maadaama dhinacyada is haya sida la sheegay aysan ka muuqan wax tanaasul ah, taasi oo hakad gelisay howlihii Dekadda Magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho waxaa harreeyay qeylo dhaan ka dhalata hanaanka ay wax u maamulaan Shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee qandaraasyada ka heysta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Bishii la soo dhaafay waxaa hakad ku yimid shaqadii Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Shirkad heshiis ganacsi ka heysata Dowladda Federaalka ay lacag dhan $9 doolar ku soo rogtay muwaadin weliba oo ka duulaya Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde.