Friday, September 12

Ciidamadda Dawlada iyo kuwa deegaanka ee ka howlgalla degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sameeyay Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab .

Deegaanka Galcad jiimo iyo deegaano kale oo hoostaga Degamada Xarardheere ee Gobalka Mudug ayey Ciidanku Kala wareegeen Al-Shabaab , Kuwaasi oosaraakiishu ay sheegeen  ay ahaayeen  goobo ay ku dhuumaaleystaan Alshabaab  weerarada ay ka soo qaadayeen.

Cabduqaadir Kadiido oo ka tirsan Saraakiisha hogaamineysay Ciidanka deegaanka, ayaa sheegay  in howlgallada Ciidanka ee ka dhanka ah Alshabaab a ay sii wadi doonaan inta laga  saarayo degaannada Galmudug.

Waxaa uu tilmaamay howlgalada ka socda aaga degamada XarardheereAlshabaab lagu gaarsiiyay jab xoogga Saraakiil kalena looga dilay.

Exit mobile version