Howlgalo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xoogaga Deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ka dhacay xadka Goballada Galgaduud iyo Sh/dhaxe, waxaana lala beegsaday fadhiisin maleeshiyada Argagixisada ah ay halkaas ku lahaayeen.
Diyaaradaha dagaalka ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay laba goobood oo ah dhul hood, waxaana Howlgalkaan uu ka dhacay halka loo yaqaano Jir jir farey & Burka fiiqey oo dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Ruunirgood.
Maleeshiyada Argagixisada ah ayaana jab weyn lagu gaarsiiyay Howlgalkaan waxaana lagu dilay maleeshiyaad badan, iyadoona gaadiid looga gubay.
Ciidamada dowladda ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey kordhiyey howlgalada ay ka sameynayaan deegaanada Hirshabeelle Galmudug, halkaas oo sida la rumeysan yahay ay ku dhuumaaleystaan kooxda Al Shabaab.
Al Shabaab ayaa goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan ka soo abaabusho weeraro ay ku soo qaadeen fariisimada ciidamada dowladda iyo kuwo deegaanka ee Galmudug, xilli weli uu socdo wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.
Ciidamada dowladda ayaa iminka doonaya in ay laba jibaaraan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, kuwaas oo bilihi u danbeeyey hoos u dhac laga dareemayey, waxaase arrinta dhiig cuusb ku shubay safarkii uu dhawaan Madaxweynaha ku tagay deegaanka Xarardheere.