Saturday, September 13

Wararka ka imaanaya degmada Xawaadleey ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in  degmadaas uu ka socdo  Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab.

Hawlgallada ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka ee Afjar.

Ciidamadaan is garab sanaya ayaa dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Alshabaab ka billaabay degaanno hoostaga degmada Xawaadleey ee gobolka shabeelaha Dhexe.

Taliyaha Ciidamada degaanka ee Afjar Xanafi Sheekh Isaaq oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka Hawlgakan uu yahay sidii loga saari lahaa Alshabaab Tuulooyinka Yaaqle, Shankow iyo Dhagaxow oo dhammaantood hoostaga degmada Xawaadleey ee gobolka shabeelada Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Afjar ayaa sheegay in Xubnaha Al Shabaab ee ku  sugan Tuulooyinkaas ay Halkaas ka soo Abaabulaan Weerarada  ay ka geystaan Wadada  Xiriirisa Jowhar iyo Balcad, balse Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Afjar dhawaan hakaas ay ka saari doonaan.

Exit mobile version