Sunday, September 14

Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ee ka howlgala degamda Baledxaawo ayaa sameeyay hawalgal guud oo lagu xaqiijinayo amniga degmada Baledxaawo ee Gobolka Gedo.

Howlgalkan ayaa waxaa ka qayb qaatay saraakiisha kala duwan ee degmada sida Taliyaha Amniga degmada,Taliye ku-xigeenka Nabadsugida, iyo Taliyaha hawalgalinta Ciidanka NISA ee degmada ka howlgala, waxaana howlgalkan ballaaran laga sameeyay Dhammaan Wadooyinka soo gala kana baxa degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Hawalgalkan ayaa ka dhan   ahaa Gawaarida muraayadaha madow ee aan la aqoonsaneyn iyadoo ay ku soo aaday xogo la helay oo  sheegaaya  in Xubno ka tirsan Alshabaab ay damacsan yihiin weerar ay ka getstaan degmadaasi iyagaoo welba isticmaalaya Gaadiiid leh muraayadaha Madaow sida uu sheegay Taliyaha hawalgalinta Ciidanka NISA ee BaledXaawo ee goboka Gedo.

Al Shabaab ayaa culeys amni oo xooggan ku heysa gobolka Gedo, waxaana inta badan ay ka fuliyaan weeraro ka dhan ah argagixisada.

Exit mobile version