Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa khawaarijta jab xooggan ku gaarsiiyay aagga deegaanka Beera-yabaal ee hoostaga degmada Buulaburte.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 26-aad ee Cali ibnu abii daalib ayaa howlgalo qorshaysan ka fuliyay aagga deegaanka Beera-yabaal, waxaana halkaasi khawaarijtu lagu gaarsiiyay jab xooggan iyadoo lagu khaarijiyay xubno ka tirsan Khawaarijta sida uu warbaahinta Ciidamada Qalabka sida u xaqiijiyay Taliyaha guutada 26-aad ee Cali ibnu Abii daalib G/le dhexe C/raxmaan Salaad Xujaale oo howlgalka hoggaaminayay.
Maalmihii ugu danbeeyey waxa ay ciidamadu wadeen howlgalo ballaaran, kuwaas oo lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab.
Howlgalkan ayaa sidoo kale qeyb ka ah wajiga labaad ee dagaalka uu ku baaqay Madaxweynaha, kaas oo iminka la dar dar galinayo.