Sunday, September 14

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka oo labadii maalmood  ee la soo dhaafay Hawlgallo ka dhan ah  Al Shabaab ka waday  nawaaxyiga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, ayaa helay meydadka xubno ka tirsan Al Shabaab oo lagu dilay dagaalkii sabtidii ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

meydadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab ee la helay ayaa ka mid ah kooxihii  soo weerartay Maalintii Sabtidii degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud sida ay sheegeen  saraakiisha Ciidamada Dawladda oo warbaahinta la hadlay.

Ciidamada Dawlada ayaa sidoo kale gacanta ku soo dhigay  xubno ka tirsan Al Shabaab , intii lagu jiray Hawlgal ka dhan ah kooxdaasi ee laga sameeyay degaanno hoostaga degmada Ceeldheer.

Dagaalkii maalinta sabtida Al Shabaab ay ku qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sababay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana dawladda waxaa ay xoojisay Amniga degmada Ceeldheer ee gobolka galgaduud si looga hortago weerarada ay soo qaadayaan Al Shabaab.

Exit mobile version