(Hortabin Media) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgalo culus ka fuliyey deegaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Howlgalkan ayaa si gaar ah looga fuliyey degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo maalmihii ugu danbeeyey ay ka dhacayeen falal lidi ku ah amniga.
Howlgalkan ayuu qorshihiisu ahaa in lagu soo afjaro xubno ka tirsan Al Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya duleedka degmada Xudur, kuwaas oo inta badan weeraro ku soo qaada saldhigyada ciidamada dowladda ee degmadaasi.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in ay guul ka soo hoyeen howlgalkii ka dhanka ahaa Al Shabaab, waxeyna tilmaameen in ay bur buriyeen saldhigyo ay Al Shabaab halkaasi ku lahaayeen.
Saraakiisha ayaa sheegay in ay baxsadeen xubnihii Al Shabaab ee ku sugnaa duleedka Xudur, waxeyna hoosta ka xariiqeen in ay ku daba jiraan, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kala ah.