Friday, September 12

Ciidamada  Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab iyo kuwa  Daraawiishta  Jubbaland oo is kaashanaya ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidankan ayaa howlgallada ka fulinaya tuulooyinka hoostaga magaalada Kismaayo iyo deegaanka Janaay Cabdale ee gobolkaas, halkaasi oo ay Al Shabaab ku dhuumaaleystaan.

Howlgalada ayaa la tilmaamay in ciidamada ay ku soo qabteen dad u badan dhallinyaro, kuwaas oo lala xariirinayaan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, waxaase weli socda baaritaan arrintaasi ku wajahan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamadaan iskaashanaya ayaa  sheegay in ujeedka howlgalkooda uu yahay ka hortaga weerarada kooxdu ay ka soo abaabusho deegaanada hoostaga Kismaayo iyo Janaay Cabdale.

Exit mobile version