Saturday, September 13

Ciidamada dowladda qeybtooda Koonfur Galbeed ayaa sameeyey howlgallo xooggan oo looga soo horjeedo kooxda Al Shabaab, waxaana sida ay saraakiishu sheegeen guul laga soo hoyey howlgaladan.

Howlgaladan ayaa daba joogay weerar ay kooxda Al Shabaab ku soo qaadeen fariisimada ay ciidamada Koonfur Galbeed ku leeyihiin gobolka Baay gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Saraakiisha howlgalkan hoggaamineysay ayaa warbaahinta u sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen xubno badan oo Al Shabaab ah, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin kuwii weerarka soo qaaday.

Saraakiisha amniga ayaa intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan howlgalada noocan oo kala ah ee ay ku baacsanayaan kooxda Al Shabaab oo culeys amni ku haya gobolka Baay.

Exit mobile version