Sunday, September 14

Muddo kadib waxaa dib u billawday howlgaladii ciidamada boliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, waxeyna iminka howlgallo ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamadan ayaa toddobaadkan howlgalo gaar ah ka sameeyey Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, oo maalmihii ugu danbeeyey ay ka jireen falal amniga lidi ku ah.

Ciidamada ayaa soo qabtay dad badan oo ku eedeysan in ay qeyb ka ahaayeen falalkaasi, inkasatoo aan wlei la soo bandhigin.

Saraakiil u hadlay ciidamada Haramcad ayaa hoosta ka xariiqay in ay wadayaan howlgalada ay ku xaqiijinayaan amniga.

Tan iyo geeridii Farxaan Qaroole taliyihi hore ee booliska gobolka Banaadir, oo xubin firficoon ka ahaa ciidamadan, waxaa yaraa howlgallada ay sameynayaan.

Exit mobile version