Saturday, September 13

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Muqdisho ka sameeyey howlgal aad u ballaaran, oo ay kula dagaallamayaan waxyaabaha maanka dooriya

Howlgalkan oo xooggiisa ka dhacay degmada Kaaraan, ayaa lagu soo qabtay noocyo kala duwan oo isugu jira waxyaabaha maanka dooriya ee lagu iibiyo degmadaasi.

Howlgalka waxaa sidoo kale, lagu soo qabtay dadkii ka ganacsanayey waxyaabahaasi maanka dooriyakuwaas oo maanta ku xiran saldhiga degmada Kaaraan.

Xubno ka socday Maamulka Gobolka Banaadir oo tagay goobta lagu soo bandhigayey maanka dooriya, ayaa digniin u diray dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriye iyo kuwa isticmaala, kuwaas oo ay sheegeen in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Magaalada Muqdisho, 3-dii toddobaad ee la soo dhaafay ciidamada booliska ayaa dagaal kula jiray waxyaabaha maanka dooriya,iyagoo xabsiga u taxaabay rag badan oo ka ganacsan jiray, isla markaana caan ka ahaa gudaha caasimadda.

Exit mobile version