Ururka 161-aad Guutada 16-aad Ciidanka Kumaandooska Danab XDS ayaa howlgal ballaaran ka faliyey deegaanka Caliyow baariyow ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Howlgalkan oo ahaa mid Qorsheysan ayaa lagu so qabtey Horjooge lagu magacaabo Xuseen Cali Caliyow oo ahaa madaxa waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka oo ah baada xoolaha laga qaado shacabka soomaaliyeed.
Danab ayaa Gacan kula Dagalamay Haraadiga Al Shabaab, iyagoo garab ka helaya dadka deegaanka, waxaana sidaasi lagu soo qabtay horjoogahan oo in muddo ah halkaasi saamey weyn ku lahaa.
Al Shabaab ayaa dhibaatooyin ba’an ku heysa dadka ku dhaqan gobollada dalka, waxaana si joogta ah dadkaasi looga qaadaa lacago iyo xoolo nool oo baad ah, kuwaas oo loogu magac daray lacagta Zakawaatka.