Friday, September 12

Hay’ada nabad sugida iyo Sirdoonka qaranka ayaa ka warbixisay howlgal ay 12-kii bishan ka fuliyeen degaan hoostaga degmada Kuntur-Wareey ee gobolka Shabeellaha hoose.

Warsaxaafadeed ay maanta soo saartay hay’ada nabad sugida, ayaa u qornaa sida tan.

WAR SAXAAFADEED

Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen degaanka Cali Fuuto ee hoos taga degmada Kurtun Waarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen 44 xubnood oo  ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad, kuwaasi oo isku aruursanayay godad ay ka qoteen.

Howgalkaan ayaa dhacay 12-bishan, ka dib markii Sirdoonka Qaranka ee NISA uu helay xogta maleeshiyadan oo in muddo ah isku aruursanayay degaankaan iyagoo dhagar u maleegayay shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkaan waxaa sidoo kale lagu burburiyay godad ay halkaas ka qoteen Khawaarijta, hub iyo saanado kale oo ay ku aruurinayeen dembiilayaasha Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.

Exit mobile version