Friday, September 12

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa fuliyey howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Baarsanguuni oo hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose.

Howlgalkan ayaa sida ay dowlada Soomaaliya sheegtay waxaa lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al Shabaab, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 27 xubnood.

Dowladda oo howlgalkan qoraal ka soo saartay ayaa tilmaantay in ay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Al Shabaab, kuwaas oo tiradoodu gaareyso ilaa 5 dagaalyahan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan ay kaalin ka geysteen dadka deegaanka, kuwaas oo mudooyinkii ugu danbeeyey dhibaato xooggan ku qabay kooxda Al Shabaab.

Howlgalkan ayaa jawaab u ahaa weerar culus oo ay Al Shabaab  ku qaaday saldhig ay ciidamadu ku lahaayeen deegaanka Baarsanguuni, kaas oo sida dowladdu sheegtay lagu jabiyey iyagii weerarka soo qaaday.

Exit mobile version