Sunday, September 14

Ciidanka qaranka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah gaar ahaan Mareykanka ayaa howlgal lagu dhabar jabiyay kooxda argagaxisada ee Daacish ka fuliyay gobalka Bari.

Howlgalka oo qeyb ka ah dagaalka lagu ciribtirayo argagaxisada ayaa waxaa jab loogu geystay maleeshiyada Daacish oo halkaas isku uruursaneysay.

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin doonta qasaaraha dhabta ee gaaray argagaxisada.

Dhinaca kale Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Gaar ahaan Ururka 26-aad Guutada 6-aad Qaybta 60-aad CXDS ayaa fashiliyey Miino ay khawaarijtu ku aaseen waddo aada dhinaca Beeraha Magaalada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Miinadan ayey khawaarijtu damacsanaayeen in ku dhibateeyaan Shacabka Beeralayda ah ee ku dhaqan Buula Mareer balse damacii khawaarijta waxaa fashiliyay geesiyaal ka mida Ururka 26-aad Guutada 6-aad qaybta 60-aad ee sugan Magaalada Buulo Mareer, kuwaas oo si nabad ah ku soo bixiyey Miinadii kana badbaadiyey Shacabka sida uu Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida u xaqiijiyey ,Taliyaha Ururka 26-aad Guutada 6-aad Qaybta 60-aad CXDS Dhamme Faarax Xiirsi Cabdulle.

Exit mobile version