Saturday, September 13

Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Xaq dirirka deegaanka oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaano dhaca Bariga Galgaduud

Howlgalada ayaa si gaara Kaga dhacay Deegnada Cali Candhoole , Shikh Cabdullahi, Baraag Xaaji Dhagax iyo Deegaano kale oo dhowra

Ciidamada ayaa inta ey howlgalka ku jireen waxay so saareen tiro Miinooyin ah oo ey Khawaarijta dooneysay iney ku dhibaateyso dadka rayidka sido kale Ciidamada ayaa burburiyay fariisimo Khawaarijta ey ku dhuumaaleysan jireen

Taliyaha Guutada 24 ee Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne ayaa Xaqiijiyay in Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Xaq dirirka deegaanka ay Wali dhulka Howdka ah ku sii baacsanayaan Firxadka Khawaariijta Gablkoodu dhacay

Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Xaq u dirirka deegaanka ayaa Mudooyinka dambe kordhiyay howlgalada lagu baacsanayo Khawaarijta

Exit mobile version