Saturday, September 13

Ururka 161’aad Guutada 16’aad kumaandooska Danab ayaa Howlgal Qorsheysan ka fuliyeen Deegaanada kala ah beeley iyo buur-haybe oo ka tirsan degmada buur-hakaba ee Gobolka Baay.

Geesiyaasha kumaandooska Danab XDS ayaa waxa ay burburiyeen fariisamo ay halkaas ku lahayeen khawaariijta Sidokale waxaa la burburiyeey goobohi khawaariijta dadka shacabka ah  kaga qaadi jireen baada ay ugu yeeraan sakaawaadka.

Ciidanka kumaandooska Danab XDS ayaa ah awooda sida tooska ah ugu hortagta baacsiga firxadka haraadiga khawaariijta.

Waxaa mudooyinkii ugu danbeeyey isi soo tarayey howlgalada lagu baacaanayo kooxda Al Shabaab, waxaana ciidamadu ay soo hoynayeen guullo la taaban karo.

Exit mobile version