Monday, September 15

(Hortabin Media) – Waxaa gobolka Hiiraan looga dhawaaqay howlgal cusub, kaas oo lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab oo Soomaaliya la dagaallameysa wax ka badan 15 sano.

Howlgalkan oo loogu magac daray xidido siibka kooxda Al-Shabaab, ayaa si gaar ah uga fulaya deegaanada ku teedsan jiinka webiga Shabeelle, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan Al Shabaab.

Howlgalkan waxaa ka qeyb qaadanaya ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.
Kooxda Al Shabaab ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey ku dhuumaaleysanayey deegaanada ku teedsan jiinka Webiga Shabeelle, halkaas oo ay ka soo qaadayeen weeraro kala duwan.

Howlgalkan waxaa ka qeyb qaadanaya sidoo kale diyaaradaha duuliyaha aan lahayn ee fuliya duqeymaha dhanka cirka ah, wuxuuna noqonayaa howlgal saf ballaaran ah, oo in muddo ah soconaya.

Exit mobile version