Sunday, September 14

Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Ururka 143-aad, guutada 14-ka October, ayaa howlgallo ka dhan ah Alshabaab  ka sameeyay  tuulooyinka kala ah Mareereey, Moordiile, Raqayle iyo Caanoole oo dhamaantood hoos-taga deegaanka Sabiid ee degmada Afgooye.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa la sheegay in ay guullo ka gaareen howlgalka, iyagoo Alshabaab kala wareegay dhul beereedyo ay shacabkii lahaa ka hor istaageen inay tacbadaan, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Ciidanka ayaa ku guuleystey inay xaqiijiyaan amniga guud ee tuulooyinka ay Cagta mariyeen, waxaana howlgalkan Hoggaaminaya Taliyaha Ururka 143-aad, guutada 14-ka October ee Ciidanka dhulka xoogga dalka Gaashaanle Axmed Xasan Siyaad.

Hawlgalkaan ay ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen gobolka Shabeeladaa Hoose ayaa ku soo aadaya Xilli degaano ka tirsan gobollada dalka uu ka socdo Hawgallo  lagula dagaalamayo Al Shabaab, iyadoo deegaanno badan lagala wareegay Al Shabaab intii uu Hawgalka socday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jimcihii sheegay in dagaalka lagula jiro Alshabaab uu socon dono ilaa inta dalka laga xoreynayo argagixisada.

Exit mobile version