Ciidanka xoogga dalka qaybta 43-aad iyo kuwa Jubbaland ayaa fashiliyey weerar ay doonayeen kooxda Khawaarijta ah inay ku qaadaan deegaanka Barsanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada Qaranka waxaa u suurta-gashay inay ka hor tagaan weerarkii Khaawarijta oo xogtiisa la sii hayey, waxaana socda weli socda howlgal looga dilay dhagarqabayaal badan, kuwaas oo meydadkooda ay goobta daadsan yihiin.
Dowladda ayaa sheegtay in goordhaw ay Warbaahinta la wadaagi doonto xogta oo dhameystiran iyo sawiro muujinaya jabka loo geystay Al Shabaab.
Deeganada Jubaland ayaa ka mid ah meelaha ay sida aadka ah ugu xooggan yihiin Al Shabaab, waxaana deeganada maamulkaasi ay ka soo qaadaan weeraro inta badan khasaare ay ka dhashaan khasaare xooggan.