Sunday, September 14

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ballaaran ka sameeyey gudaha caasimada iyo daafaheeda, waxaana howlgalkaasi lagu soo qabtay dad dil ka geystay caasimada.

Howlgalka oo ahaa mid baaxad weyn ayaa xubnihii lagu soo qabtay waxaa ka mid ah, askari ka tirsan dowladda, kaas oo dil u geystay wiil dhallinyaro ah.

Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay ninka dilka geystay, iyagoo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeyn doono caddaalada.

Mudooyinkii ugu danbeeyey ciidamada dowladda ayaa Mudisho ka sameynayey howlgal lagu baadigoobayo dad dil ka geystay caasimada.

Exit mobile version