Sunday, September 14

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ballaaran ka sameeyey deegaanno hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamadan oo ahaa kuwa Kumaandoosta Danab, ayaa howlgalkan si gaar ah uga fuliyey tuulooyinka u dhexeeya degmada Galcad iyo degaanka Bud-bud ee gobolka Gal-guduud.

Howlgalkan ayaa sida la xaqiijiyey waxaa lagu dilay 18 dagaal-yahan oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey deegaanadaasi.

Waxaa sidoo kale howlgalka lagu bur buriyey saldhigyo ay Al Shabaab ku lahaayeen halkaasi, ooah meelaha ay ka soo abaabuli jireen weerarada ay ku soo qaadayaan ciidamada dowladda.

Exit mobile version