Sunday, September 14

Waxaa dib loo furay Hotel Pearl Beach, kaas oo ay dhawaan weera ku qaadeen koox ka tirsan Al Shabaab, kuwaas oo dad rayid ah ku dilay gudaha Hotelka.

Al Shabaab oo hotelka qabsaday ayaa ka dhex dagaallamayey muddo 8 saacadood ah, taas oo saameyn ballaaran ku yeelatay dhismihii hotelka oo uu soo gaaray bur bur aad u xooggan.

Maalmo kooban oo dib u dayactir Hotelka lagu sameynayey kadib  ayey suura gashay in dib loo furo Hotelka, oo ka mid ahaa meelaha ay shacabka Muqdisho aad u booqdaan.

Hotelka oo ku dhaw xeebta Liido, ayaa si joogta ah waxaa ugu damaashaad taga dhallinyarada caasimada ku nool, iyo Soomaalida qurbaha ka soo laabatay.

Ganacsatada iyo shacabka Muqdisho ayaa u muuqda kuwo la qabsaday dhibaatooyinka uga yimaada Al Shabaab, waana kuwo isku daya in ay si dhakhso ah uga soo kabtaan khasaaraha dhaqaalle ee ka soo gaara weeraradaasi.

Exit mobile version