Horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier league-ga ayaa xalay furmay, waxaana lagu furay kulan ay wada ciyaareen kooxaha Burnley iyo Man City oo horyaalka difaacaneysa.
Kulankii xalay ayaa ku soo dhamaaday 3- gool iyo waxba oo ay ku awood roonaatay naadiga City oo iyadu sanadkii la soo dhaafay ku guuleysatay horyaalka.
Kooxdii kaalinta labaad gashay xilli ciyaareedkii aynu ka soo gudubnay ee Arsenal ayaa garoonkeeda ku qaabishay naadiga Nothingham Forest, waxaana kulankaasi uu ku soo dhamaaday 2-1 oo ay gunner ku itaal roonaatay
Horyaalka Ingiriiska ayaa ka mid ah horyaallada ugu xiisaha badan ee qaarada yurub, waxaana aad u xiiseeya Soomaali badan kuwaas oo kala taageera kooxaha ka ciyaara horyaalkaasi.