Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billawday wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxa ay ku guuleysatay in ay gacanta ku dhigto horjoogayaal badan oo ka tirsan kooxdaasi.
Horjoogayaasha la qabtay badankood ayaa ka talinayey deeganadii ay Al Shabaab kaga sugneyd maamullada Hirshabelle iyo Galmudug, oo ah meelaha dagaalka xooggiisa uu ka dhacay.
Shalay waxey dowladda gacanta ku soo dhigtay Xaashi Garaad Cali, oo ahaa madaxii Zakawaatka gobolka Mudug, isla markaana aad looga yaqaanay guud ahaan gobolkaasi.
Ninkan ayaa la soo qabtay isagoo dhaawac ah, kadib howl-gal ka dhacay deegaan hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, kaa oo lagu magacaabo Baraag Ciise.
Ninkan ayaa sanado badan hanti baad ah ka qaadi jiray dadka ku sugan gobolka Mudug, waxaana dowladdu sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan caddaalada loo horkeeni doono.