Friday, September 12

Waxaa hoos u dhac uu ku yimid qiimaha shidaalka dalka Kenya, kaasi oo lixdii bilood ee la soo dhaafay aad u kacsanaa.

Qiimaha Shidaalka ee hoos u dhacay ayaa isagu jira shidaalka gawaarida noocyadiisa kala duwan, wuxuuna ku soo aaday xilli walaac laga muujinayey sara u kaciisa.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Islii, gaar ahaa ganacsatada ayaa arrintan mudooyinkii ugu danbeeyey ka muujinayey walaac aad u ballaaran.

Sidoo kale Dadka Kenya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ka cabanayay sare u kac xooggan oo ku yimid qiimaha nolasha oo uu shidaalka gaadiidka ka mid ahaa.

Exit mobile version