Sunday, September 14

Waxaa xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ku soo dhacay madaafiic culus, kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaafiicday ayaa si gaar ah ugu dhacay Degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, oo ah xaafad kaabiga ku heysa Madaxtooyada Soomaaliya.

Hoobiyaha ayaa ku dhucay guri ku yaalla xaafadda Sheekh Yuusuf Alkawnayn, waxaana halkaasi ku geeriyootay haweeney da’ ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen xubno ka mid ah qoyska.

Inta badan Mudisho waxaa ku soo noq noqda madaafiicda habowga ah ee ku habsada qoysaska ku dhaqan magaalada, kuwaas oo geysta khasaare kala duwan, isla markaana nolosha dhaafiya muwaadiniin Soomaaliyeed.

Exit mobile version