Friday, September 12

(Hortabin Media) – Hoggaanka nabad galyada Dowlada Deegaanka Somaalida Itoobiya Dayib Axmed Nuur, oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeymo culus u jeediyey ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwo maamulka Galmudug.

Wuxuu sheegay in habeenkii ay isniintu soo galeysay, ay duulaan soo qaadeen ciidamo wata dareyska askarta dowladda Soomaaliya, kuwaas oo soo weeraray  degmada Shillaabo ee hoostagta maamulkooda, ahna xuduuda ay wadaagaan Galmudug iyo Dowlad deegaanka.

Hoggaanka nabad galyada ayaa sheegay in weerarkaasi oo aysan filaneyn lagu dilay ilaa iyo labo iyo toban ruux, oo isugu jira dad rayid ah iyo ciidamadooda.

Dhanka kale Maamulka Galmudug oo arrinta wax laga weydiiyey ayaa beeniyey, waxaana BBC la hadlay Wasiirka warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Sheekhoow, kaas oo carabka ku dhuftay, in ay waxba kama jiraan tahay in ciidamo ka socda dawlad goboleedkooda oo rasmi ah, in ay u talaabeen dhinaca Itoobiya.

Si kastaba dhacdadan oo ah mid jirta, ayaa waxaa fuliyey ciidamo u abaabulan hab beeleed, kuwaas oo weerar ku qaaday beel ay kala dhaxeysay tabasho la xiriirta aano qabiil, waxana weerarkii ay qaadeen uu gaystay khasaare xooggan, wallow Galmudug ay sheegtay in ay baaritaan arrintaasi ku sameyn doonto.

WQ: Ayaanle Qoyste 

Exit mobile version