Sunday, September 14

Xiisada ka taagan Laascaanood ayaanan weli loo helin wax xal ah, waxaana hoggaamiyayaasha Sool, Sanaag iyo Ceyn oo diiday ka mid ahaashana Somaliland, ay qireen in ay taageero ka heleen Puntland.

Waxaa hadalkaasi ka dhawaajiyey Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, kaas oo shacabka kula hadlayey gudaha Laascaanood.

Cabdirisaaq ayaa Puntland uga mahadceliyey, hiilka ay ka heleen, oo u badan hub iyo cudud ciidan sida uu sheegay.

Wuxuu carabka ku dhuftay, in ay dhawdahay guushii ay ku taamayeen, isagoo bulshada reer Laascaanood ku dhiiragaliyey sii wadida dagaalka ay kula jiraan Somaliland.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa ahaa Gudoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland, wuxuuna xilkaasi isaga casilay sababo la xiriira dagaalka Laascaanood ka socda, oo ah bulshada uu ka abtirsado.

Hadalka Cabdirisaaq ayaa ku soo aadaya, xilli Somaliland ay dhowr jeer ka dhawaajisay in dagaalka ka socda Laascaanood ay hurinayaan maamulo ay ka mid yihiin Puntland.

Exit mobile version