Friday, September 12

(Hortabin Media) – Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaridka ee Wadani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa kulan la qaatay Weriye Bishaaro Baande oo in muddo ah u xirnayd maamulka Somaliland.

Hoggaamiyaha ayaa ka dhawaajiyey in xariga gabadha weriyaha uu ahaa mid sharci darro ah, wuxuuna Muuse Biixi ugu baaqay inuu ka waantoobo falalka ceynkan oo kala ah.

Gabadhan oo lagu xukumay hal sano, ayaa gadatay muddadii xabsiga, waxaanay xarigeeda kadib sheegtay in ay dhibaato badan dhaxashay xilligii ay xirnayd.

Bishaaro ayaa cod dheer ku sheegtay in ay ku xanuunsatay gudaha xabsiga, isla markaana ay weysay cid daryeel u fidisa, wallow iminka xaaladeedu ay soo roonaaneyso.

Bishaaro Baande ayaa u mahad celisay dhamaan dadkii ka shaqeeyey in xabsiga laga soo daayo, waxeyna xarigeeda ku macneysay mid lagu caburinayo warbaahinta.

Exit mobile version